Adeegyada shaqosiinta ee Helsinki

Soo dhowoow macmiilkeenna!

Waxaan kaa caawinaynnaa sidii aad ku heli lahayd tallaabadii tan xigtay ee aad qaadi lahayd. Boggaan waxaan kuugu sheegeynnaa xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga ee ka shaqo doone ahaan iyo sidoo kale adeegyadeenna.

Meelaha aad la soo xiriiri karto

Waxaan kaa caawinaynnaa shaqo doonista iyo iskuul codsashada. Waxaad annaga naga heleysaa caawimaadda la xiriirta dano dhammaysashada. Qaabab badan oo kala duwan ayaad noola soo xiriiri kartaa.

Xaggee ayaan ka helayaa goobo shaqo?

Sidaan soo socota samee

-

Barashada luqadda

Marka aad doonayso inaad barato koorasyada luqadaha af-finishka iyo af-iswidhishka, amaba aad doonayso inaad barato akhriska iyo qoraalka. Inta aadan kooraska bilaabin waxaad arrinkaan kala hadashaa khabiirkaaga kuu gaarka ah. Waxbarashada waxaa dhici karta in ay saamayn ku yeelato gunnooyinkaaga shaqo la’aanta. 
 
Sidoo kale si madaxbannaani leh ayaad wax u baran kartaa.  

Ka raadi koorasyada adeegga internetka ee FinnishCourses.fi.  (bogaggu waxaa ay ku qoran yihiin luqadaha af-finishka, af-ingiriska iyo af-ruushka) 

Macluumaadka ku habboon waxbarashada waxaad ka heleysaa bogagga InfoFinland.fi ama makatabadaha.

La qabsashada waddanka

Waxaan bixinnaa adeegyo gaar ah oo loogu talaggalay shaqo doonayaasha reer Helsinki ee dalka u soo guuray, kuwaasoo la siiyay sharciga degganaanshaha dalka ee Finland. Waxaan adiga kaa caawinaynnaa sidii aad ula qabsan lahayd, booskaagana aad uga heli lahayd nolosha shaqada ee Finland. Adeeggaan waxaa la bixinayaa saddexda sano ee ugu horraysa, laga soo bilaabo marka uu qofku qaatay sharciga degganaanshaha dalka.