Xuquuqaha iyo waajibaadka shaqo doonaha

Markaad tahay macmiil ka tirsan adeegyada shaqaalaysiinta waxaad leedahay xuquuq iyo waajibaad.

Xuquuqdaada

Caymiska shaqala’aanta waxaa bixinaysa Kela  ama khasnadda shaqala’aanta.

Waxaad heli kartaa caymiska shaqala’aanta, haddii

  • aad tahay shaqo doone ka tirsan adeegyada shaqaalaysiinta ee Helsinki
  • aad codsanayso shaqo maalinka oo dhan ah
  • aad buuxisay waajibaadkaaga shaqo doonista
  • aad diyaar u tahay ka qaybqaadashada adeegyaada laguu soo bandhigo ee adeegyada shaqaalaysiinta Helsinki.

Waxaad heleysaa khabiir mas’uul ah oo adiga kuu gaar ah, kaasoo adiga si joogto ah kuula soo xiriiri doona. Khabiirkaaga mas’uulka ah wuxuu kaa caawin doonaa arrimaha waxbarashada iyo shaqaalaysiinta. Waxaad kala hadli kartaa adeegyada adiga kugu habboon.

Adiga iyo khabiirkaaga waxaad isla dejinaysaan qorshaha shaqaalaysiintaada. Waxaan adiga kaa caawinaynnaa hirgelinta qorshaha.

Waajibaadkaaga – waxaad samaysaa sidan soo socota

Shaqo doone ahaan waxaa ku saaran waajibaad, taasoo loola jeedo in ay waajib kugu tahay arrimo gaar ah oo cayiman.

  • Waxaad codsataa shaqo maalinka oo dhan ah, waxaadna diyaar u ahaataa inaad shaqo bilowdo.
  • Waxaad codsataa 0–4 goobo shaqo ah bil walba gudaheeda, adigoo raacaaya sida ku qoran qorshahaaga shaqaalaysiinta.
  • Ka qaybqaado kulamada laguu qabtay ee aad la yeelanayso khabiirkaaga ka mas’uulka ah arrimahaaga.
  • Ka qaybqaado adeegyada laguu ballamiyay ee qorshahaaga. 
  • Waxaad soo sheegtaa isbeddellada ku saabsan dhammaan meelaha lagaala soo xiriiri karo iyo shaqo doonista:
    • isbeddallada ku saabsan cinwaanka ama lambarka telefoonka
    • fasaxa dheer ee jirrada ama fasaxa hooyada
    • bilaabista shaqo ama waxbarasho
    • bilaabista howlo ganacsi
    • hakinta shaqo dooonista, tusaale ahaan xilliga safarka.

      Waxaa dhici karta in isbeddelka xaalkaaga uu saamayn ku yeesho, in Kela ama Khasanadda shaqala’aantu ay adiga ku siiyaan lacagta caymiska shaqala’aanta iyo inkale.
  • Waa in shaqo doonistaada aad ka dhigtaa mid markasta socota oo shaqaynaysa. Ma heleysid caymiska shaqala’aanta, haddii shaqo doonistaadu aanay shaqaynayn. 
  • Waa in sharcigaaga degganaanshaha dalka (ciqaamaddaada) ay shaqaynayso. U soo gudbi sharciga degganaanshahaaga (ciqaamaddada) cusub xafiiska adeegyada shaqaalaysiinta ee Helsinki. Sidoo kale waxaad soo gudbisaa caddaynta ku saabsan cdosiga aad samaysay ee ciqaamadda waqtigeedu sii soconaayo (jatkolupa).

Fiiro gaar ah oo ku saabsan xilliga safarka

Waa in lagu helaa marka lagula soo xiriiro inta aad safarka ku jirto, islamarkaana aad diyaar u noqoto inaad bilowdo shaqo, waxbarasho ama adeeg. 

  • Ku talaggal arrinka ah, inaad soo afjarto ama dhexda ku joojiso safarkaaga, islamarkaana aad dib ugu soo noqoto magaalada Helsinki, si aad u bilowdo shaqo, waxabarasho ama adeegyada kale. 
  • U soo sheeg khabiirka arrinkaaga ka mas’uulka ah ee xafiiska adeegga shaqaalaysiinta xilliga aad safarka tahay, lambarkaaga telefoonka iyo cinwaanka lagaa heli karo ee meesha aad safarka ku joogto.
  • Waxaad codsataa xilliga aad safarka tahay shaqo maalinka oo dhan ah iyo waxbarasho, haddii aadan doonaynin inaad dhexda ku joojiso shaqo doonistaada. 

Weydii wixii faahfaahin dheerad ah