Safarka iyo fasaxa

Haddii aad safarto ama fasax aaddo adigoo shaqo doon ah, waa inaad ogaataa arrimahan soo socda.

Safarka

Wali waxaad tahay shaqo doone. Safarkaaga waxaa uu noqon karaa mid dalka Finland dhexdiisa ama dibaddiisa ah.

  • Waxaad xaq u leedahay caymiska shaqala’aanta, xittaa xilliga aad safarka dibadda ku jirto.
  • Adiga lagaagama baahna inaad safarkaaga dibadda u soo sheegto, xafiiska adeegga shaqaalaysiinta ee Helsinki.

Waxaad samaysaa sidatan soo socota

Waa in lagu helaa marka lagula soo xiriiro inta aad safarka ku jirto, islamarkaana aad diyaar u noqoto inaad bilowdo shaqo, waxbarasho ama adeeg. 

  • Ku talaggal arrinka ah, inaad soo afjarto ama dhexda ku joojiso safarkaaga, islamarkaana aad dib ugu soo noqoto magaalada Helsinki, si aad u bilowdo shaqo, waxabarasho ama adeegyada kale. 
  • U soo sheeg khabiirka arrinkaaga ka mas’uulka ah ee xafiiska adeegga shaqaalaysiinta xilliga aad safarka tahay, lambarkaaga telefoonka iyo cinwaanka lagaa heli karo ee meesha aad safarka ku joogto.
  • Waxaad codsataa xilliga aad safarka tahay shaqo maalinka oo dhan ah iyo waxbarasho, haddii aadan doonaynin inaad dhexda ku joojiso shaqo doonistaada. 

Tixgelin gaar ah sii arrimaha soo socda

Waxaa adiga laguu soo diri karaa shaqooyin ama adeegyo kale xilliga aad safarka tahay.

  • Waa inaad la xiriirtaa goobta shaqada laguu soo diray.
  • Waa inaad dib uga soo laabato safarkaaga, si aad u bilowdo shaqada ama adeegga.

Haddii aadan sidaas yeelin, caymiskaaga shaqala’aanta waa la goyn karaa. 

Fasaxa

Haddii aad rabto inaad fasaxaaga iska sii wadato, ma tihid shaqo doone. U sheeg khabiirkaaga ka mas’uulka ah arrimahaaga, xilliga uu fasaxu bilaabanaayo iyo xilliga uu dhammaanaayo

Xilliga fasaxa

  • Wax xaq ah uma lihid caymiska shaqala’aanta
  • laguuma soo diraayo wax shaqo ah, kooras waxbarasho ama haggis ku saabsan adeegyada kale.

Weydii wixii faahfaahin dheerad ah