Sidee ayaan u buuxinayaa waajibaadka shaqo doonista?

Qaabab kala duwan ayaad u buuxin kartaa qorshahaaga lagu heshiiyay ee waajibaadka shaqo doonista.
  • Waxaad codsataa shaqo soconaysa in ka badan laba toddobaad.
  • Waxaad codsataa goobta shaqada ee ay kuu soo direen xafiiska adeegyada shaqaalaysiinta, taasoo loola jeedo shaqada laguu soo bandhigay. 
  • Waxaad shaqo bixiyaha u dirtaa codsiga shaqada oo ah mid furan. Haddii ay tahay inaad bil kasta codsato afar shaqo, ka codso afar shaqo bixiye oo kala duwan. Hal codsi oo furan, kaasoo aad ku codsnayso afar shaqo oo ku socota isla hal shaqo bixiye oo isku mid ah, ma ahan wax kugu filan.
  • Haddii aad ku jirto shaqo saacado yar ah, weydiiso shaqo bixiyahaaga hadda aad la joogto saacado dheeraad oo shaqo ah.
  • Waxaad sawirkaaga iyo macluumaadka codsiga shaqo ku baahisaa suuqa shaqada ee cinwaankiisu yahay (tyomarkkinatori.fi), barta baraha bulshada ee lagu magacaabo (LinkedIn) ama adeegyada kale ee internetka.
  • Haddii aad tahay ganacsade shaqo labaad ahaan ku shaqeeya, waxaad ganacsigaaga u raadisaa fursado shaqooyin dheeraad ah.
  • Waxaad iska diiwaangelisaa shaqo doone ah shaqo kiraysiga ganacsiga.
  • Codso lacagaha caawimaadda ee la xiriira shaqadaada kuu gaarka ah. Lacagaha caawimaadda waxaa tusaale ahaan la siiyaa qorayaasha iyo farashaxaniistayaasha.

Weydii wixii faahfaahin dheerad ah